Jun 21, 2012

SOO JIIDASHA LAMAANAHA.

jacaylka iyo nolosha guud ahaanteedba waxa ay u baahanyihiin faham iyo farshaxan in lagu dheeho si ay dha-dhan iyo qiimo u yeelato.
dhal-dhalaalinta iyo boor ka jafida joogtada ahna waxay u siyaadiyaan qiime iyo wanaag dheeraad ah.
markastoo aad isku daydo in aan baratid hababka iyo jaangooyooyinka nolosha waxaa kuu sii siyaadayada khibrad dheeri ah iyo waayo aragnimo baaxad leha , hadaba inta aadan isku dayin in aad soo jiidato qof aad danaynayso maxaa kula haboon in aad samaysid iyo sidoo kale in aadan samaynba.
mararka qaarkood waxaa dhacda adoo isku dayaya in aad soo jiidato ruux in uu kaasii fogaado masaafooyin aadan qiyaasi karin.
si aysan taasi u dhicin waxaan si kooban jeclahay in aan u faaqido waxyaalaha loo baahanyahay in aad isla markaasba ku dhaqaaqdo si aad u saxdo khaladaadka kaa fogeeyey lamaanahaaga.

anigoo raba in aan u kala qaybiyo qormadan saddexx qaybood oo kal ah:
waxyaalaha ay tahay in aan ka qabto noloshayda:
waxyaalaha ay tahay in aan la qaabto lamaanahayga:
waxyaalaha ay tahay in aan si wada jir ah u qabano:
aan ku bilowno si aad si baaxad leh ugu soo jiidato lamaanahaaga maxay tahay in aad naftaada ka qabato:
naftaada


  • shaqsiyada : waa in aad tahay ama noqotaa shaqsi macaan tiisa ku socde ah aan ahayn madluun madaxa aad kor u haya isla markaana aan dareemayn cidlo cidlo cidlo go'aan la taaban karo qaadan kara karti iyo dadnimo ku sifoobay maxaa yeelay dadka oo idil waxa ay ka helaan qofka noocaas ah 
  • labis: labiso oo xiro labis wanaagsan walow aadanba haysan wax aad cunto mar walba labiso labis wanagsan looma baahna in aad si xad-dhaaf ah u labisato oo is tustusnimo ku jirto may qaab soo jiidasho leh oo casriyeysan u labiso.
  • cadayga: mar walba cadayo oo maalintii ilaa afar jeer caddayo marka aad la kulanto waxaad helaysaa kalsooni iyo karti dheeraad ah
  • uduga: waxaanba oran karaa udugu waa shayga koowaad ee aad u adeegsan karto soo jiidashada lamaanahaaga ku dadaal oo ha ka tagin in aad isticmaasho. WARNING: UDUGA IYO DUMARKU XAGA DIINTA WAXAA KA YAALA QAACIDOOYIN;
  • dhaashmada/kariimka: dhaasho oo muuji jirkaaga dhalaalkiisa ha isticmaalin kareemada jirka doorsha maxaa yeelay ragu aad uma jecla is cadaynska beenta ah, waxaase jira kareemobadan oo dhisikara muuqaalak jirkaaga.
  • taagnida/style: taagnidu waxay ka mid tahay wax yaalaha aadka u soo jiita bini aadanka ku dadaal ha xiran dhar aan ahayn lodkaaga ha isticmaalin dharka keenaya anshaxumada ha xiran dhar dadku kugula yaabayaan ha ka dheeraan dhaqankaaga isla markaana ahow midka ugu quruxda badan
  • habka jirka: habka jirkaaga ahow dhex-dhexaad sports ah timaha si wanaagsan u habayso cidiyaha iyo nabraha jirka si wanaagsan iskaga hagaaji qaabka socodkaaga dhis isla markaana iska dhig mid si qumaati ah u socda.
  • dhaqanka: dhaqanku waa shayga koowaad ee aad ku soo jiidan kartid qofka lamaanaha ah mar walba ahow dhex-dhexaad aan ahayn qof anshax xun kasbo jacaylka bulshadaada lamaanahaagau waxa uu ka mid yahay bulshadaas.  
Intaasi waa waxyaalaha ugu muhiimsan ee aad naftaada u qaban kartid si aad u kasbatid qalbiga lamaanahaaga maxaa loo baahanyahay in aan u qabto lamaanahayga si aan u soo jiito;
lamaanahayga


  • hadiyad: hadiyadu waa waxyaalaha ugu muhiimsan ee dhisa xiriirka ama kugu soo dhoweeya jacaylkaaga laakiin taxadar dheeri ah waxaa u baahan nooca haddiyada aad bixinaysid waligaa ha isku dayin in aad keento shay aad u qaali ah sida dahab dollar iwm hadiyadaadu ha noqoto wax aad u yar dhanka qiimaha lacageed ee ay joogto hana ahaato mid qiime rugeed wanaagsan leh waxay noqon kartaa xabad nac-nac ah balse waa in ay ku dhacdaa waqtigeeda munaasibka ah hadiyada afeedka iska ilaali ilaa aydan wadda kulmi karin sida naftayda ayaan hadiyada ahaan kuu siiyey iwm
  • daacadnimo: tusi ruuxaaga in aad daacad u tahay siyaalo dadban adoon muujinayn in aad doonaysid in aad qancin u samayso balse tus in daacadnimadaadu ay tahay daacad.
  • run: runta u sheeg qofkaaga hana ka qarin waxyaalaha jira mar walbana ku dadaal in aadan iska hor imaan wararkaagu. 
  • amaan: amaan hana ku talax tagin waqtiyada aad kaligiin tihiin u badi in ay ammaantaadu dhacdo waligaa ha amaanin idinkoo la idinla joogo
  • farxad galin: ka farxi oo u samee waxyaalo farxad galin ah sida balan qaad yar iyo qiimayn amaan guulaha ay gaaraan jacaylkaaagu sida kuwa waxbarasho,ganacsi,qoys iwm
  • xiise: xiisee jacaylkaaga hana ka sii jeesan xiliga ay kuu baahantahay/yahay ku talax tagida xiisahaasi waxay keeni kartaa qiima dhac qof ahaaneed mar walba ku beeg xiisahaaga marka ay jirto xiise kale oo dhanka kale ah.
waxaan filayaa in aad u kala cadaysatay waxa ay tahay in aad samaysid iyo waxa ay tahay in aad ka fogaatid  qaybtana waxaan kaga hadlaynaa waxa wada jir ay masuuliyadu idiin ka saaran tahay sida aad u maraynayso;
  • balanta: waligaa balanta ha ku deg-degin ilaa aad ka aragto xiise dhankaas ah hana goyn balanta hadaysan kugu iman wax aan caadi ahayn maxaa yeelay waxay abuuraysaa shaki iyo khilaaf ka durug u balaminta qaababka xun-xun iyo meelaha xun-xun ha ku adkaysan in aad kulantaan hadaan dhanka kale raali ka ahayn.
  • kulanka: markaad kulantaan u dhaqan sida ugu wanaagsan ee aad awoodo ereyo shukaansiyeed ka aad adeegsanaysid hana noqdaan kuwo ka tarjumaya danta dhediina taal.
  • dhaqanka: gacma-gacmayn aan laga fiirsan waxay dili kartaa kalsoonida waligaa jacaylkaaga ha gacma gacmayn af iyo adinba hana ka taaban meelaha xasaasiyadakicin kara sid meelaha jil jilicsan iwm(raga) ha ula dhaqmin sidii ruux baadi ah ama shisheeye ah soo dhawee inta aad soo dhoweyn kartid
  • taladda: talada wadaaji waxna ka sii tusna in uu muhiim kuu yahay xitaa taladaada shqqsiyeed wax ka wadaaji si uu kuugu dareemo in aad tahay sxb wanaagsan.
Intaas waxaan ku soo koobayaa taladii iyo tusaalihii koobnaa ee ku aadanaa sida jacaylka guul looga keeno. 
mahadsanidiin
dhamaad.

"wixii fikrad iyo talo ah noogu soo gudbi shukaansiblog@gmail.com ama commentiga kaga ta"




No comments:

Post a Comment